Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However,...
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD, sidoo kalena ah khabiir ku takhasusay arrimaha teknoolojiyadda, waxa ay ku falanqeynayaan E-government, heerka isticmaalka E-government ee dowladda, caqabadaha ku gedaaman adeegsiga E-government-ga ee Soomaaliya iyo sida caqabadahaas looga gudbi karo.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaasimaha Xarunta Cilimibaarista Musiibooyinka iyo Tababarada ee Hay’adda SoDMA waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan adeegyada ay qabato Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, sida adeegysadaas loo horumarin karo, iyo howlaha u qorsheysan Haya’da in ay mustqablka hirgeliso. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
--------
37:55
Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman
Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka.Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasadda & talooyinka lasoo jeediyay.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
--------
28:47
Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada
Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada? Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa lagu falanqeynayaa arrimaha adeegga madadaalada, gaar ahaan heesaha iyo ruwaayadaha, iyo kaalinta ay ku leeyihiin hogatusaaleynta iyo sare-u-qaadista wacayiga bulshada. Waxaa agaasimaha SPA Policy Lab ahna martigaliyaha Adeeg Wanaag Podcast la falanqeynaya Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ah hoobal qaran, sidoo kalena ah qoraa ka faallooda afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, kana mid ahaa kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
--------
24:54
Kaalinta Bulshada Rayidka & Warbaahinta ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan kaalinta ururrada bulshada rayidka ah & warbaahinta ay ku leeyihiin Isla-xisabtaabtanka arrimaha gargaarka bani’aadamnimo.Qeybtan 24-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa nuxurka daraasadda. Waxaa marti ku ah Ibrahim Jibril oo ah cilimibaare ka tirsan SPA sidoo kalena ahaa hormuudka cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.